9.1 C
London
Thursday, October 9, 2025

Taliyaha Booliska Soomaaliya oo Safiirka UK kala hadlay dagaalka argagixisada

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Axad, February 2, 2025 (HOL) – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa magaalada Muqdisho Safiirka Dowladda Uk ee Soomaaliya Mike Nithavrianakis, ku xigeenkiisa Ambassador Sam Thomas, Xoghayaha Difaaca, Siyaasadda Natasha Hosford iyo Xoghayaha arrimaha ladagaalanka Argagaxisada Dan O’Byrne.

Shirka intiisi ugu badneeyd waxaa diirada lagu saaray arrimaha amaanka iyo la dagaalanka argagixisada iyo sida ay Dowladda Uk ubixin lahayd taageero dheeraad ah oo ku saabsan inay gacan ka gaysato tayeeynta ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliye Asad Diyaano ayaa Dawladda Ingiriiska uga mahadceliyay taageerada ay Dowladda UK ay siiso Ciidanka Booliiska, waxaana uu ugu baaqay inay kawada shaqeeyaan, xoojinta iskaashiga amniga iyo ladagaalanka argagaxisada.

Safiirka Uk ee Soomaaliya u fadhiya Mike Nithavrianakis ayaa sheegay inay booliska Soomaaliya ku amaanayaan horumarada uu sameenayo dhinaca amni sugista caasimadda, waxaana uu shaaca ka qaaday inay mar waliba Dowladda Soomaaliya la garab taagan yihiin inay arrimaha amaanka ka caawiyaan.

Dowladda Uk waxa ay kamid tahay wadamada Yurub ee taageera Soomaaliya gaar ahaan dhinaca amaanka iyo la dagaalanka Kooxaha argagixisada ee ka dagaalanta Soomaalida sida Al shabaab iyo Daacish.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).