13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Iska hor imaad khasaare geystay oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, January 29, 2025 (HOL) – Wararka ka imaanaya degnada Deyniile ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya
in iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac uu goordhaw ka dhacay
degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka oo si
gaar ah uga dhacay Xaafada Gubta ayaa ahaa mid dhexmaray askar ka tirsan
ciidanka dowladda iyo rag hubeysan oo la sheegay iney ku howlanayeen
dhac dadweyne, halka warar hoose ay sheegayaan iney ka tirsan yihiin
Al-shabaab.

Ilo ku sugan degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho
ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in iska hor imaadka lagu dilay laba nin ee
hubeysana.

Iska hor imaadkaan khasaaraha dhaliyay ayaa sababay
in mudo kooban uu hakad ku yimaaday dhaq dhaqaaqa iyo isku socda xaafada
Gubta ee degmada Dayniile, halkaas oo ay gaareen ciidamo isugu jira
Nabad sugid iyo Booliisa Militaare.

Ugu dambeyntii ma jiro wax
war ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha laamaha amaanka dowladda oo ku
aadan weerarka khasaaraha geystay ee dhexmaray ciidamada dowladda iyo
ragga hubeysan ee la dilay, waxaana weerarkaan uu kusoo aadaya, iyadoo
maalmihii lasoo dhaafay xaaladda amaan ee Muqdisho ay ahayd mid
wanaagsan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).