Taliyaha ayaa sheegay, ninkaan inuu kamid ahaa dadka ajnebiga ah ee magaalada Boosaaso lagusoo dhoweeyay, kana ganacsan jiray tusbaxyada iyo catarada, wuxuuna sheegay ahaa dhagarqabe katirsanaa kooxaha argigixisada.
“Waxaan la dagaalamaynaa argigixiso caalami ah, gaar ahaan 195% ajaanib ah. Waxaan rabnaa bulshada inaan u sheegno inay feejignaadaan,” ayuu yiri taliyuhu.
Gaashaanle sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir wuxuu sheegay in maamulku baaritaan ku sameyndoono dadka ajaanibta ah ee sida sharci darrada ah ku jooga magaalada Boosaaso. Wuxuu shacabka ugu baaqay in aysan guryahooda ka kirayn qof aysan garanayn.
Dhinaca kale, Ciidamada Amniga Puntland ayaa gacanta ku dhigay nin dhaawac ah oo xalay la socday ninka Ajnebiga ah oo ka tirsanaa kooxda Daacish, kaas oo xalay ciidamadu toogteen xilli uu aasayay qarax Miino.