13.8 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Ciidamada Puntland oo toogtay xubin ka tirsan Daacish oo qarax ku aasayay magaalada Boosaaso

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, January 25, 2025 (HOL) – Ciidamada amniga ee Dowladda Puntland ayaa saakay ku toogtay magaalada Boosaaso nin ajnabi ah oo katirsan Daacish, kaas oo lagu helay isagoo miino aasayay.

Falkan ayaa yimid kaddib markii shacabka ku sugnaa aaggaasi ay ka shakiyeen ninka, una gudbiyeen xogtiisa ciidamada amniga, kuwas oo si degdeg ah goobta u soo gaaray.

Ninkan miinada aasayay, ayaa isku dayay in uu baxsado. Hase yeeshee, ciidamada ayaa tallaabo degdeg ah ka qaaday, kuna toogtay goobtii uu miinada ku aasayay.

Ninkaan ayaa kamida ahaa dadka wareejiya waxyaabaha la isku carfiyo, wuxuuna caan ka ahaa magaalada Bosaaso. Wuxuu kamid ahaa ajaanibta ka yimid dalalka Yemen iyo Suuriya, kuwaas oo sanadihii ugu dambeeyay aad ugusoo qulqulayay degaanada Puntland.

Ciidamada amniga ayaa uga mahad celiyay shacabka sida ay ula soo wadaageen xogta ku saabsan ninkan. Waxayna ku bogaadiyeen kaalinta ay ku leeyihiin ciribtirka kooxaha argagixisada ka jirta buuraleyda Cal-miskaad.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).