13.8 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo heshiis ku gaaray magaalada Qaahira

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, January 23, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Siisi, oo kulan ku yeeshay magaalada Qaahira, ayaa gaaray heshiisyo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal dhinacyada waxbarashada, garsoorka, siyaasadda, amniga, isku-socodka, iyo dhaqaalaha.

Sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya, Dowladda Masar ayaa ballanqaaday inay kordhin doonto deeqaha waxbarasho iyo tababarrada ay siiso ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed, taasoo gacan ka geysaneysa kobcinta aqoonta iyo xirfadaha bulshada Soomaaliyeed.

labada madaxweyne ayaa sidoo kale ku heshiiyay in la dardar-geliyo wada shaqeynta hay’adaha garsoorka iyo amniga ee labada dal, taas oo kor u qaadaysa sida ay dowladdu sheegtay, iskaashiga dhinacyada sharciyada iyo nabadgelyada.

Dowladda Masar ayaa oggolaatay in baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya laga dhaafo dal-ku-galka, taasoo ay dowladdu sheegtay inay fududeyn doonta socdaalka diblomaasiyiinta Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay inay isku dheellitirayso xiriirka ay la leedahay Masar iyo Itoobiya, oo ah labo dal oo isku haya biyaha Webiga Niil.

Wasiir u dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay, in xiriirka ay Soomaaliya la leedahay Masar uusan waxba u dhimayn xiriirka ay la leedahay Itoobiya.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).