13 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Masar

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, January 23, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Abdel Fattah El-Sisi.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadli doona dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo nabadda ee gobolka.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ku nuux-nuux saday baahida loo qabo horumarinta xiriirka dhaqaalaha iyo sare u qaadida heerka ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo labada dowladood ay mudnaanta siinayaan kor u qaadista fursadaha iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-sisi soo dhoweynta diirran iyo taageerada joogtada ah ee dowladda Masar ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo, iskaashi istiraatiiji ah iyo danaha guud ee labada shacab.

Illo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Xasan Sheekh iyo Al sisi ay isla soo hadal qaadi doonaan heshiiskii ugu dambeeyay ee ay Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ay dib ugu sooceliyeen xiriirkoodi Diplomaasi.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).