13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya oo guddoomay Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika

- Advertisement -spot_imgspot_img
Arbaco, January 22, 2025 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Davos ee dalka Switzerland lagu  guddoonsiiyey Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika oo ay bixiso Africa House.

Abaalmarintan la guddoonsiiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay iney tahay mid lagu maamuusayo hoggaamintiisa ee horumarinta dowlad dhiska, dib u xoreynta iyo hirgelinta qorshahii deyn cafinta Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey munaasabadda uu ku guddoomayay abaalmarintaan ayaa uga mahadceliyay Africa House, tixgelinta iyo qiimeynta ay ku sameeyeen horumarka ay ku talaabsadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Abaalmarintan waa aqoonsi ku aaddan adkaysiga, geesinnimada, iyo go’aan-qaadashada shacabka Soomaaliyeed. Aad baan ugu faraxsanahay oo sharaf weyn bay ii tahay inaan guddoomo abaalmarintan, aniga oo u hibeynaya shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri lagu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa sidoo kale munaasabadda lagu soo bandhigay guulihii ay gaartay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ka mid yihiin dib u dhiska ciidamada, qaadista cunaqabateynta hubka ee muddada saarnayd Soomaaliya iyo ku biirista Soomaaliya ee Dalada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya waxay mudooyinkii lasoo dhaafay si weyn uga shaqeysay iney dib uga soo dhex muuqato Soomaaliya fagaarayaasha Caalamka mudo ka badan 30 sano kadib.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).