
Hadalkan ayuu jeediyay isagoo ka jawaabayay dhaleecayn uga timid masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, kuwaas oo culimada ku dhaliilay in ay ka aamuseen dagaalka Daacish.
Sheekhu wuxuu sheegay in muddo dheer la daawanayay Shabaab iyo Daacish inay si tartiib ah awood ugu yeeshaan gudaha Puntland, taasoo uu ku sababeeyay in maamulka uu ka mashquulay dagaalkaas iyadoo loo jeestay arrimo siyaasadeed iyo dano gaar ah.
Sheekh Maxamuud ayaa xusay in culimada ay muddo 20 sano ah dagaal ku jiraan Al-Shabaab, ayna ku waayeen culimo badan, oo ay ka mid yihiin Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax oo lagu dilay Garoowe 2013-kii iyo Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo lagu dilay Boosaaso 2011-kii.
Sheekhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay siyaasiyiinta dhaliilay culimada inay yihiin kuwii xabsiyada ka sii daayay dadkii ka dambeeyay dilalka culimada Puntland loogu geystay.