16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Howlgal ka dhan ah Sameecadaha saaran Bajaajyada oo maanta Muqdisho ka bilaawday

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, January 18, 2025 (HOL) – Ciidamada amaanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka bilaabay howlgal ay ku beegsanayaan  sameecadaha qeybta dambe ka saaran Mooto Bajaajyada.

Inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu arkaayay ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo Mootooyinka ka dejinaya sameecadaha qeybta dambe ugu rakiban Bajaajta oo ay dhageystaan.

Wadayaasha Bajaajyada Muqdisho ayaa ka cabanaya talaabadaan looga dajinaayo sameecadaha u saaran mootooyinka oo ay ku dhageystaan waxyaabo u badan Musiga, iyagoona ku andacoonaya in sameecaduhu door muhiim ah ka qaatan in dadku soo raan mootooyinka.

“Inta badan dadka raaca Bajaajta waxay nagu soo raacaan sameecad inoo saaran mootada, haddii aysan saarneyn Mootada wax Sameecad ah ma kusoo raacaan, laamaha amaanka waxaan dhihi lahaa haka laabtaan go’aankaasi” ayuu yiri mid ka mid ah Wadayaasha Bajaajta oo la hadlay Warbaahinta.

Ugu dambeyntii talaabadaan ciidanka Booliiska ku beegsanayaan sameecadaha saaran Bajaajyada ayaa kusoo aadeysa, iyadoo dhawaan duuleedka magaalada Muqdisho lagu qabtay gaari noociisu yahay Probox oo sameecad saarneyd lagu soo dhex qariyay waxbaayabaha qarxa.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).