
“Hadalka ah in Ciidamada Puntland taageeraa, Ciidanka waa leh reer Puntland waana geesiyaal cashar u dhigay Argagexisada,Taariikhda Argagexisada lama haayo meel ay 12 Koox Argagexiso ka tirsan ay isku qarxisay, Ra’iisul wasaaraha waxaa looga fadhiyaa taagerada Dastuuriga ah oo ay shacabka Puntland ay ku lahaayeen” ayuu yiri Wasiir Ceydiid Dirir Maxamuud.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay shacabka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo uu tilmaamay inay ka gudoomayaan hambalyada iyo dhiirgelinta ay u sameenayaan Ciidanka Puntland oo saacadihii lasoo dhaafay ilaa 8 saldhig ay lahaayeen Kooxda Daacish la wareegay.
Dhinaca xanibaada Mashaariicda horey Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa uga jawabaay eeddan oo kale oo Puntalnd ay usoo jeedisay waxaana uu sheegay in dowladda federalka aysan Puntland ka xannibin wax mashaariicda ah balse cidda is-hortaagtay wadashaqeynta hay’adaha federaalka ay tahay Puntland.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa goob fagaare uu kulan Dadweyne kaga qeyb galaayay ka sheegay in Dowladda ay u diyaarsan tahay sidii ay u garab istaagi lahayd Ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Kooxda Daacish.