16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Booliska Jubaland oo xiray haweeyneey Sunta Libaaxa ku dishay Seygeedi hore

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, January 16, 2025 (HOL) – Taliska Ciidamada Qeybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa Soo qabtay Sahra Xuseen Maxamed oo Seygeedii hore Cabdullahi Cabdiraxman Abuukar ku dishay Magaalada Kismaayo Xaafadda Farjano Waaxda Dalxiiska iyadoo cabitaan ugu dartay sunta Libaaxa.

Dhame Shukri Faarax Ducaale oo ka tirsan Taliska Ciidanka Booliska Jubaland ayaa warbaahinta u faahfaahiyay dhacdadaan ka dhacday Farjano oo lagu dilay marxuum Cabdullaahi Cabdiraxmaan Abuukar oo Xaaskiisi hore ay gacanteedi ku dishay sida ay xaqiijiyeen Booliska dambi baarista Jubaland, waxaana uu xusay inay tageen goobta dhibtu ay ka dhacday ayna goobta ugu tageen marxuumka geeriyooday.

Suntaan ayay Booliska sheegeen in cabitaanka furulaatada loo yaqaano loogu daray Marxuum Cabdullaahi, waxaana gacanta lagu dhigay Sahra Xuseen Maxamed oo Lix canug u dhashay Marxuumka.

Taliska waxa ay sheegeen in waxba kama jiraan ay tahay sida wararka Bulshada lagu baahiyay ee ah in Sahra iyo Cabdullaahi ay isqabeen balse hadda uun ay damacsanaayeen inay isku laabtaan, Waxaana ay tilmaameen inay maxkamadda hor keeni doonaan dhowaan.

24kii saac ee lasoo dhaafay ayay Arintaan hadal heyn badan ka dhex dhalisay Bulshada ku dhaqan Kismaayo iyo dadka adeegsada aaladaha Baraha Bulshada.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).