16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyay Xabad joojinta jiida Gaza

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, January 16, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay heshiiska xabbad-joojinta ee magaalada Gaza, oo xalay lagu saxiixay magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qadar, isaga oo bogaadiyay dadaallada ay sameeyeen dalalka Qatar, Masar, iyo Mareykanka si loo xaqiijiyo heshiiskan.

Bayaan laga soo saaray Aqalka Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh ku baaqay in la isku keeno dadaallada caalamiga ah iyo kuwa gobolka si loo adkeeyo heshiiska xabbad-joojinta, isla markaana loo dedejiyo gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee degdegga ah ee shacabka ku nool Gaza, si loo yareeyo xaaladdooda adag ee bini’aadantinimo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay had iyo jeer taageersan tahay nabadda, isaga oo ku baaqay in la helo xal cadaalad waara ah oo lagu dhisayo dowlad Falastiini ah oo madaxbannaan, si waafaqsan mabda’a laba dowladood.

Soomaaliya dhowr jeer ayay sicad uga sheegtay QM in loo baahan yahay in la dhiso Dowlad Madax banaan oo ay Falastiin ay yeelato taa oo daawo u noqoneysa dagaalada soo laalaabtay iyo colaada ka dhex jirta Falastiniiyinta iyo Israel.

Dabaaldegyo waa weyn ayaa ka dhacay meel kamid ah Gaza iyo wadamo kale oo kuwa Carabta ah kuwaasi oo bogaadiyay heshiiska xabad joojinta ee lakala dhex dhigay Xamaas iyo Israel.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).