
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney ka go’an tahay dhiiragalinta iyo garab istaaga in shacabka iyo maamulada dalka oo dhan ay ugu istaagaan in dalka laga xureeyo kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.
Warsaxafadeedka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay doorka shacabka reer Puntland iyo garab istaagga ay u muujiyeeen ciidanka geesiyaasha ee ku jira howlgalka Puntland looga ciribtiraayo Daacish.
“Waxeey Dawladdu duco u diraysaa Shuhadada ku shahiiday hawlgalka iyo kuwa ku dhaawacmay, sidoo kale waxaa ay tacsi udiraysaa ehelada Shuhadadaas iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen iyaga oo u dagaalamaya difaaca Dalka, Dadka iyo Diinta. Khawaarijta Daacish iyo Shabaab, waa cadaw ay u simanyihiin dadka Soomaaliyeed waana in loo midoobo ciribtirkooda” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Warsaxaafadeedkaan kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddoyinkii u dambeeyay ciidamada Daraawiishata Puntland dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ka wadeen howlgalada ka dhanka ah kooxda Daacish.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-
