
Hoggaamiye Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, oo hadal ka jeediyay xaflad loogu dabaaldegayay munaasabadda aasaaska maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegay in farxadda xusku aanay dhamaystirnayn inta ay Ceerigaabo gacantooda ka maqantahay.
“Caawa waxaan halkan uga sheegayaa reer SSC, meel ay joogaanba, in loo diyaargaroobo sidii aynu ugu guuri lahayn Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag. Ma aqbalayno in dhulkeennii oo qaybo ka mid ahi ay gacanteenna ka maqanyihiin aynu ka ladnno, ka fadhiisanno ama ka gaabino,” ayuu yidhi Firdhiye.
“Waxaan ugu baaqayaa bulshada reer SSC, dal iyo dibad, meel ay joogaanba, in halganku aanu dhammaanin. Waa kala dhiman yahay. Waa in loo guntado sidii halgankaa dalkeenna iyo masiirkeenna aynu u galnay aynu u dhamaystiri lahayn. Qorshaheedii iyo tabaabushaheedii waanu ku jirnaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Firdhiye.
Dhawaan, waxa magaalada Ceerigaabo soo galay ciidamo ka tirsan SSC Khaatumo, kuwaasi oo magaalada laga saaray kadib dagaal ay ciidamada Somaliland la galeen. Waxaa jirta xiisad ka taagan guud ahaan deegaanka, iyadoo ay kumannaan qof magaalada ka qaxeen.