
Gaadiidkaan oo Shalay hay’adda SODMA kasoo ambabixisay magaalada Muqdisho ayaa si nabdoon ku gaaray magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Hay’adda maareynta iyo musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa sheegtay in gargaarkan ay ugu talo gashay in loo qeybiyo ilaa 13,000 oo qoys oo ka mid ah dadka ay saameeysay abaarta LaNina.
“SoDMA waxaa ka go’an si walba ay gargaar ku gaarsiin karto shacabka Soomaaliyeed in ay ku gaarsiiso iyada oo adeegsanayso Dhulka, Cirka iyo Badda, waxaana deegaanadii aan marnay laga dareemayaa sameenta abaarta” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay soo saartay SODMA.
Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii hay’adda maareynta iyo musiibooyinka qaranka Soomaaliyeed ee SODMA deeq gargaar bani’aadanimo ah ay geysay magaalooyin Kismaayo iyo Boosaaso.