12.1 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Puntland: Dowladda Federaalka kuma aamini karno xogta howlgallada ka dhanka ah Daacish iyo Al-Shabaab

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, January 11, 2025 (HOL) – Puntland ayaa si rasmi ah uga codsatay saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya in laga caawiyo howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee haatan ka socda qeybo kamid ah gobolka Bari.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta Puntland, ayaa lagu sheegay in Puntland ay codsatay in ciidamadeeda dagaalka kula jira Daacish laga taageero duqeymaha cirka, rasaasta, iyo qalabka kale ee lagama maarmaanka ah si loo baabi’iyo khatarta kooxda Daacish.

Dhinaca kale, maamulka Puntland ayaa muujisay walaaca uu ka qabo wada shaqeynta dowladda federaalka ah (DFS), iyadoo ku eedeysay Dowladda Federaalku mid aan lagu aamini karin xogta howlgallada ka dhanka ah Daacish iyo Al-Shabaab.

Puntland waxay sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya inay xilal u magacowdo xubno horey uga tirsanaan jiray Al-Shabaab oo isku dhiibay, taas oo  ay sheegtay inay keentay kalsooni darro weyn.

Puntland waxay ugu baaqday bulshada caalamka in si toos ah loo taageero maamulkeeda si ay u xoojiso awooddeeda dagaalka ka dhanka ah argagixisada.


 
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).