
Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay dhinaca kale in Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ay fure u tahay ilaalinta xuquuqda bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.
Xamsa ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo wada-shaqeyn dhow oo dhex marta wasaaradaha, si loo xaqiijiyo ujeeddooyinka Xukuumadda ee ku saleysan horumarinta deegaanka, isbeddelka cimilada, kobcinta xuquuqda aadanaha, iyo taageerada bulshada nugul.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa labada Wasiir uga mahadceliyey shaqadii muhiimka ahayd ee ay soo qabteen, wuxuunna kula dardaarmay inay shacabka Soomaaliyeed ugu adeegaan si hufan.