20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay sicirka Xujeeyda ay sanadkaan ku xajinayaan

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, January 4, 2025 (HOL) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya ayaa sheegtay in iyadoo ka duuleysa halbeegga ah Xaj qiimihiisu jaban yahay, adeegiisuna wacan yahay in ay Wasaaraddu u xilsaartey guddi khubarro ah inay daraasaad iyo qiimeyn kusoo sameeyeen sicirka adeegyada kala duwan ee xajka ee ay sanadkan ku xajjin doonaan Xujeyda Soomaaliyeed.

Adeegyada ay guddigan khubarrada ah ay qiimeynta ku sameeyeen ayaa ka kala dhacaya gudaha Dalka Soomaaliya iyo Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya inta lagu guda jiro u diyaar garowga gudashada waajibaadka Xajka.

Wasaaradda waxa ay shaacisay in Guud ahaan markii la isku geeyay kharashaadka adeegyada Xajka ee gudaha Sacuudiga iyo sidoo kale gudaha Dalkeena, in Qiimaha lacageed ee sanadkan Xaajiga/Xaajiyada Soomaaliyeed uu ku xajinayo/so $4,604 (Afar kun lix boqol iyo afar doolar).

Waxaana Wasaaradda ay amartay in dhammaan shirkadaha adeegyada xajka ku guuleystay inay sidaas u fuliyaan bayaanka kasoo baxay Wasaaradda.

Ugu dambeyn waxa ay Wasaaradda ku micneeysay kororka qiimaha sanadkan, marka loo eego sanadkii hore waxaa u sabab ah, isbedel ku yimid sicirka tikitka iyo hoteelada.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).