Garsoorayaashaan oo Degmada Ceel Baraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe tagay maalintii xigtay kadib dilkii askartaasi ayaa sheegay in xog wareysi ay la yeesheen Saraakiishii xukumaysay askartii la dilay, Nabadoonada iyo Waxgaradka Ceel Baraf kuwaasi oo qaarkood u xiran inay wax ka qaban waayeen dhibka dhacay.
Guddiga waxa ay shaaca ka qaadeen inay u cadaatay in lix askari lagu dilay Degmada Ceel Baraf ayna dileen Maleeshiyaad baxsad ah oo horey u qaatay hubkii ciidanka Qaranka oo ay ugu dambeyn Maxkamada ay u jartay warqad amar soo qabasho ah.
wadareedka loogu gaystay Degmada Ceel Baraf waxaana ay kala yihiin:- 1-X
dable Xooga Cabdikafi Cali Cabdulle, 2-X Dable Xooga Bile Xasan
Cabdulle Sabriye, 3-X Dable Xooga Cabdi Cabdullahi Adan, 4- X Dable
Xooga Farxaan Xasan Cali Cadow, 5-X Dable Xooga Abshir Xuseen Jimcaale,
6-X Dable Xooga Muxiyidiin Cabdulle Wehliye.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in qadiyada dilka askartaasi ay tahay mid ciqaabteedi ay mari doonaan kuwii falkaasi geeystay oo aysan howshaasi u oolin dadka degaanka, qoys ama qabiil.