
Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray wuxuu ku yiri, “Waxaa naga go’an inaan ilaalino Axdiga Qaramada Midoobay, waxaana u heellannahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.”
Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 15-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Ammaanka, gaar ahaan 10-ka xubnood ee aanan joogtada aheyn, Waxay kursigan ku matali doontaa Bariga Africa muddo laba sannadood ah oo ka billaabatay 1-di bishan January ee sannadka 2025-ka oo shalay ku beegneyd ilaa dhamaadka sannadka 2026-ka.
Soomaaliya ayaa markii ugu horeeysay kamid noqotay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay sanadkii 1960kii.
Booskan ayaa waxa loo doortay bishi June ee sannadkii aanu kasoo gudubnay ee 2024-ki,waxaana ay isku mar shalay Golaha Ammaanka iskula soo biireen dalalka Pakistan, Panama, Denmak iyo Giriigga.