11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Dowlad Degaanka Soomaalida oo shacabka uga digay xeeladaha cusub ee ay isticmaali karto Al Shabaab

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Arbaco, January 1, 2025 (HOL) – Xukuumadda Dowlad Degaanka Soomaalida gaar ahaan Xafiiska Nabadgalyada ayaa Shacabka uga digay dhibaatooyin kala duwan ee ka imaan kara dhinaca Kooxda Al Shabaab, gaar ahaan gobollada dhaca dhinaca xuduudda uu degaanka Soomaalidu la wadaago dalalka deriska ah.

Haddaba Xafiiska Nabadgelyada ee Dowlad Degaanka Soomaalida oo maanta soosaaray digniin culus ayaa Shacabka degaanka Soomaalida uga digay inaysan ku Kadsoomin Kooxda Al Shabaab oo la sheegay inay isticmaalayaan xeelado cusub si ay usoo galaan gudaha Dowlad Degaanka Soomaalida.

Xafiiska Nabadgalyadu waxa uu warbixintiisa ku sheegay in Kooxda Al Shabaab ay ku guuldarraysteen inay iyagoo hubaysan soo galaan gudaha dalka Itoobiya, sidaas darteedna ay isku dayayaan Al Shabaab inay ku dhex milmaan shacabka gaar ahaan kuwa dega gobollada ku yaal dhinaca xuduudaha iyagoo isticmaalaya magac qabiil.

Ugu dambayn, Xafiiska Nabadgalyadu waxa uu sheegay in Shacabka degaanka Soomaalida uga digayo inaysan ku Kadsoomin abaabulka ay wadaan Kooxda Al Shabaab oo Dowladdu sheegtay inay ku gabanayaan shaati qabiil, waxayna Dowladdu bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqday inay la shaqeeyaan laamaha amniga ee degaanka Soomaalida, si looga hortago waxa ay ku sheegeen khatar kasta oo ka imaan karta dhinaca Kooxda Al Shabaab.

Digniintan kasoo baxday Xafiiska Nabadgalyada ee Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa kusoo aadaysa iyadoo wali ay taagan tahay xiisadda ka taagan degaanka Dacawaley oo ku taalla dhinaca xadka uu degaanka Soomaalidu la leeyahay Somaliland, isla markaana Dowladdu marar kala duwan sheegtay in Al Shabaab ay doonayso inay degaanka soo gasho iyadoo ka faa’iidaysanaysa colaadda ka jirta Dacawaley.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).