
Jeneraal Odowaa ayaa horay u amray ciidamadaasi inay saldhigyadooda iyo goobihii ay difaacyada ugu jireen ay kusoo laabtaan oo xal laga gaari doono wixii ka dhacay Degmada Ceel Baraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dhowanahaanba waxa uu kusugnaa Jeneraal Odowaa Yuusuf Degmada Ceel Dheer ee gobolka Galgaduud halkaasi uu kawaday abaabulka iyo dib u bilaabida dagaalka ka dhanka ah Al shabaab.
Waxaa soconaya dadaalo nabadeed oo lagu dejinayo xiisad iyo carro ka dhalatay askartii Dowladda ka tiranayd ee lagu laayay Ceel Baraf.