Talaado, December 25, 2007(HOL): Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay weerar bambooyin loo adeegsaday oo lagu qaaday guriga Taliyaha Booliska Qeybta Bay Jen. Aadan Xaashi Gaabow, iyadoo weerarkaasina uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
C/risaaq Aadan Xaashi Gaabow oo ah wiil uu dhalay Jananka ayaa waxaa uu ka waramay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in seddex nin oo bastoolado ku hubeysnaa ay labo Bambo gacmeed ku tuureen gurigooda, kadibna ay rasaas is-weydaarsadeen ilaaladii guriga, dabadeedna ay baxsadeen.
C/risaaq waxaa uu sheegay in uu qoys ahaan soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, wuxuuna caddeeyay in ay geeriyoodeen wiil 10 jir ah, gabar 6 jir ah iyo wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa ilaalada guriga, halka uu sheegay in ay dhaawacmeen 5 ruux oo qoyskooda ka tirsanaa.
Qaraxyadaas kadib ayuu sheegay C/risaaq in ay raggii soo weeraray carareen kadib markii ay rasaas xooggan kala kulmeen ilaaladii guriga, dabadeedna ay meel luuq ah kaga tageen seddex bastooladood iyo kabo ay wateen, wuxuuna caddeeyay in haatan lagu raad-joogo raggaas oo ay dabagal ku hayaan Ciidamada Booliska iyo kuwa CID-da ee ku sugan magaalada Baydhabo.
Wuxuu ahaa weerarkii ugu horeeyay oo lagu qaado guri uu magaalada Baydhabo ka degan yahay mas’uul ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, haddii uu ahaa Ciidan iyo haddii uusan ciidan ahayn intaba, inkastoo ay jireen dilal iyo qaraxyo horay uga dhacay Magaalada Baydhabo.
Jen. Aadan Xaashi Gaabow oo dhawaan ka hadlayay falal nabadgelyo darro ah oo dib uga soo cusbonaaday magaalada Baydhabo ayaa wuxuu sheegay in dad ka yimid magaalada Muqdisho ay dhibaatadaas u keeneen, wuxuuse sheegay in Baydhabo aysan la mid ahayn Muqdisho, isla markaana la ogaan karo ciddii dhibaato ka geysata.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa muddooyinkan dambe waxaa ka soo cusboonaanayay falal nabadgelyo darro ah, iyadoo weliba ay xusid mudan tahay in ay magaalada ku sugan yihiin Ciidamo Boolis ah iyo kuwo Itoobiyaan ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia