13.3 C
London
Monday, October 13, 2025

Ciyaaryahan ka ciyaara Dalka Talyaaniga oo ku soo biiray Xulka Qaranka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Bidix: Gaduudow oo ka tirsan ciyaaryahannada Difaaca uga ciyaara Xulka Qaranka  iyo Weeraryahan Ismaaciil Maxamed Cumar

Jimco, December 21, 2007(HOL): Ismaaciil Maxamed Cumar oo ah Wiil Soomaaliyeed oo ka ciyaara dalka Talyaaniga gaar ahaan naadiga  AC-Milan heerkiisa labaad ayaa sanadkan ku soo biiray Xulka Qaranka Soomaaliyeed isagoo ka mid noqday ciyaartoydii ka qeyb qaadatay ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka dhacay magaalada Daarusalaan ee dalka Tansaaniya, iyadoo xulka Qaranka ay kala soo kulmeen guul daro kulamadii ay la ciyaareen Tansaaniya iyo dalka Brundi.

Ciyaaryahankan xerta Lambarka 10-aad oo markii ugu horeysay ugu yimid dalka Talyaaniga inuu ka mid noqdo Xulka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay isagoo sheegay in guuldaradaasi ay ugu wacneyd iyadoo meel la iska fadhiisiyay ciyaartoydii tayada laheyd ee guulaha u soo hoyin karay Xulka Qaranka Soomaaliyeed, wuxuuse nasiib daro ku tilmaamay guul darada ay kala kulmeen wadamadii ay wada kulmeen ee Brundi iyo Tanzaaniya.

Ku soo biiritaanka Xulka Qaranka ee Ismaaciil ayaa wuxuu u arkaa mid muhiim ah oo uu in mudo ah ku hamin jiray isla markaana rajadiisa ay aheyd mar sidii uu ugu mid noqon lahaa, wuxuuna tilmaamay in ciyaartoyda saaxiibadiis ah ee ku nool dalka Talyaaniga ee ka kala yimid dalalka kale ee Afrika ay ku jiraan Liiska Xulka Qaranka ee dalalkooda, wuxuuna soo dhoweeyay ka mid noqoshada Xulka Qaranka oo uu sheegay in ciyaartoyda tayada leh ay xiligan ku sugan yihiin dalalka caalamka gaar ahaan Yurub.

Ismaaciil Maxamed Cumar oo ah 27 jir ku dhashay Muqdisho wuxuu noloshiisa ku soo qaatay inta badan dalka Talyaaniga wuxuuna u soo saftay naadiyada AC-Milan, Juvuntus oo Talyaani ah, FC-Barcelona oo Spian ah, A.S Cannes oo France ah iyo kuwo kale oo mudo sanado ah u ciyaarayey isagoo guulo u soo hoyiyay.

Xulka Qaranka Soomaaliyeed ayaa guuldaro kala soo kulmay dalalka Brundi oo 3 gool ugu awood sheegtay halka kulanka Labaad Xulka Tanzaaniya hal Gool oo kaliya, iyadoo ay jiraan ciyaaryahano Soomaaliyeed oo dibadaha ka yimid iyo Macallimiin Ajnabi ah oo tababar heerkoodu sareeyo uu siiyo ciyaartoyda.

Maamulka Xulka Qaranka Soomaaliya oo daawanaya Ciyaar dhexmartay Somalia iyo Burundi

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo wadajira

Ciyaartoyda dalalka Somalia iyo Burundi oo u diyaarsan in ay wada ciyaaraan

Cali Muxyaddiin Cali
muxiyaddiin@hotmail.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).