13.6 C
London
Monday, October 13, 2025

Baaq ku wajahan in si deg deg ah loo sii daayo Jornaaliste lagu haysto Xeebaha Boosaas

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, December 18, 2007(HOL): Waxaa Taariikhdu markay aheyd 16/12/2007 abaarihii 11 barqanimo lagu afduubtay Magaalada Boosaaso meel 30 kilo-mitir u jirta oo lagu magacaabo Mareero Nin Jornaaliste ah oo u dhashay Dalka Faransiiska kana shaqeynayey Tv Chanel 4 la yiraahdo oo Dalkaas faransa ku yaala.Waxaana Ninkan lagu Magacaabaa Gwen Le Gouil.

Ninkan Sida aanu Xogta ku helnay wuxuu u socday inuu wax ka duubo arrimaha Tahriibta Xeebaha Puntland, taasina waxay sababtay inuu gacanta u galo Kooxo hubeysan oo Xeebaha si tahriib ah uga shaqeysta Wariyahan ayaan Dawladda qeybaha qaabilsan Warfaafinta la socod siin socdaalkiisa iyo hawlaha uu u socdo midna,wuxuuna Dalka ku yimi si aan sharciga waafaqsaneyn,iyadoo ay Dalka soo gelisay Hay’ad Samafal ah oo lagu magacaabo DRC oo ka hawlgasha Magaalada Bosaaso.

Haddaba, waxaan aad uga xunahay afduubka loo geystay Ninkaas weriyaha ah waxaana ugu Baaqaynaa Kooxaha afduubka u haysta Jarnalistaha u dhashay Dalka Faransiiska inay si deg deg ah u sidaayaan, iyagoo tixgelinaya Sharciyada Caalamiga ee Aduunka u degsan Suxufiyiinta, taasoo xoriyad iyo madaxbanaani u siinaya hawlahooda shaqo maalmeed.Waxaan sidoo kale ka codsanayaa Qeybaha Amaanka ee Dawladda iyo Maamulka Gobolka inuu Xooga saaro sidii loo soo deyn lahaa Ninkaas oo lagu haysto meel wax yar u jirta Magaaladda Boosaaso.

Ugu dambeyntii waxaan Hay’adaha Caalamiga ee samafalka ka codsanaynaa inay Weriyayaasha Dalka imanaya ee hawlaha shaqo u socda la soo xiriiraan Qeybaha qaabilsan Warfaafinta Dawladda ee inta soo galaan Jornalisteyasha Ajanabiga ah Magaalooyinka Puntland dhanka ay doonaan iska aada.

Waxaan xoogeyna shacab iyo Dawladba isugu geyn doonaa inaan sidii loo sii deyn lahaa kawada qeyb qaadano,anagoo rajeynayna inuu heli doono Xoriyadiisa Inasha Allaah.

Lataliyaha Warfaafinta DGPL
Bile Maxamuud Qaboowsade
qaboowsade11@hotmail.com

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).