16 C
London
Monday, October 13, 2025

Maayarkii Degmada Berbera oo Shil gaari ku geeriyooday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 16, 2007(HOL): Alle ha u naxariistee, waxa saaka lagu aasay xabaalaha qaranka ee Magaalada Berbera Guddoomiyihii Golaha Degaanka Berbera Marxuum Siciid Daa’uud Cilmi, ka dib markii uu shalay ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay meel dhinaca galbeed ka xigta Degmeda Abdaal ee Gobolka Saaxil.

Shilkan uu ku geeriyooday duqii magaalada Berbera, waxa kale oo ku dhintay Saleebaan Siciid, oo ahaa ilaaliyihiisii gaarka ahaa, isla markaana sida la sheegay waxa uu shilkani yimi, ka dib markii gaadhi uu watay Guddoomiyuhu uu taayir u qarxay.

Gaadhiggaas oo noociisa lagu sheegay Prada, duqii magaalada Berbera Marxuum Siciid Daa’uud, ayaa la sheegay inuu isagu watay, isla markaana socdaalkiisan oo uu kaga tegay magaalada Hargeysa, kuna sii jeeday magaalada Berbera waxa Duqii Berbera ku wehelinayay askarigaa ilaaladiisa ahaa oo keliya. Waxa aaska marxuumka ka qaybgalay wufuud iyo masuuliyiin kala duwan, oo ka kala socda magaalooyinka, degmooyinka iyo dibaddaha dalka.

Alle ha u naxariistee, Marxuum Siciid Daa’uud Cilmi, waxa uu ku dhashay magaalada Berbera sannadkii 1954-kii. Waxbarashadiisa dugsiyada hoose/dhexe waxa uu ku qaatay magaalada Berbera. Sannadkii 1969-kii ayuu dhamaystay waxbarashadiisii dugsiga dhexe, isla markaana waxbarashadiisii dugsiga sare, waxa uu ku dhamaystay Dugsiga Sare ee Sheekh sannadkii 1974-kii. Intaa ka dib, marxuumku waxa uu waxbarasho jaamacadeed u tegay dalka Hindiya, halkaas oo uu digrii jaamacadeed ku soo qaatay culuunta dhaqaalaha sannadkii 1981-kii. Alle ha u naxariistee, Marxuumku wixii intaa ka dambaysay waxa uu bilaabay hawlo ganacsi.

Marxuum Siciid Daa’uud Cilmi, waxa loo doortay inuu ka mid ahaado mudanayaasha golaha degaanka Berbera sannadkii 2002, ka dib doorashooyinkii golayaasha degaanka. Hase yeeshee, 11 March 2006, ayuu noqday Guddoomiyaha Golaha Degaanka Berbera. Waxaanu marxuumku xilkaa hayay mudo ku dhaw laba sannadood. Intii uu xilka maayarnimo hayayna, waxa uu wax ka qabtay, wadooyinka magaalada Berbera, sida hagaajinta jidadka magaalada dhex-mara.

Waxa kale, oo uu dib u habayn ku sameeyay wadada isku xidha magaalada iyo madaarka Berbera. Sidoo kale, mudadii uu xilka hayay, waxa uu door muhiim ahaa ka ciyaaray dib-u-habayntii iyo dardar gelintii cusbataalka wayn, ee magaalada Berbera, kaas oo haatan shaqaynaya. Dadweynaha magaalada Berbera, ayaa si balaadhan ugu xusuusanaya maayarka geeriyooday sidii uu uga shaqeeyay kor u qaadida bilicda magaalada iyo fayo-dhawrka. Alle ha u naxariistee, Marxuum Siciid Daa’uud Cilmi, waxa la sheegay inuu ahaa Maayarkii ugu wax-qabadka badnaa, marka loo eego Maayarradii soo maray Magaalada Berbera.

Rabi naxariistii janno ha ka waraabiyee, Marxuum Siciid Daa’uud Cilmi waxa uu ifka kaga tegay xaas.
 
Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online
kaariye104@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).