13.4 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Xaaladda Suuqa Bakaaraha oo saaka degan kadib iska hor-imaadyo shalay ka dhacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 10, 2007(HOL): Waxaa saaka degan Xaaladda Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho kadib iska hor-imaadyo maalintii shalay ahaa ka dhacay, kuwaasi oo geystay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamada Dowladda Federaalka, Kooxo soo weeraray iyo weliba Dad Rayid ah, kuwaasi oo aan la ogeyn inta ay tiradooda la egtahay.

Ilaa iyo hadda oo weli subax ah xaaladda Suuqa waa ay degan tahay, mana ka jiraan wax iska hor-imaadyo ah oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Kooxihii hubeysnaa ee shalay gudaha Suuqa ku dagaalamay.

Inkastoo Suuqa Bakaaraha aysan ka jirin wax iska hor-imaadyo ah, hadana waxaan weli jirin dhaqdhaqaaqyo ganacsi oo xoog leh, waxaana taas ugu wacan iyadoo ay ganacsatada ka baqayaan inay saameyn ku yeeshaan falalka nabadgelyo darrada ah ee ka soo cusboonaaday gudaha Suuqa Bakaaraha.

Suuqa Bakaaraha oo muddo bil ka badan ku jiray xaalad deganaan ah ayaa waxay mar kale xaaladdiisa ammaan faraha ka baxday kadib markii ay Ciidamo Itoobiyaan  iyo Soomaali ah oo ku sugnaa Waddooyinka Suuqa Bakaaraha ka soo gala dhinaca Waqooyi ee Wadada 30-ka ay halkaas isaga baxeen kuwaasi oo sida ay dad badan rumeysan yihiin wax badan yareeyay falalkii nabadgelyo darrada ahaa ee ka jiray Suuqa Bakaaraha.

Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya, isla markaana uu ku xiran yahay ganacsiga Gobollo badan oo dalka Soomaaliya ku yaala ayaa wuxuu haatan u muuqdaa mid uu sii yaraanayo ganacsigii ka jiray, iyadoo dadkii ku ganacsan jiray Suuqa ay noqdeen kuwo ganacsigooda u wareejiyay Suuqyo kale oo Muqdisho ku yaala, halka kuwo kalena ay dalkaba isaga tageen kadib markii ay xaraasheen waxyaabihii ay ka ganacsanayeen.

Dad badan oo ku dhaqan Magaalada Muqdisho, isla markanaa la socda dhacdooyinka maalin walba ka dhaca Suuqa Bakaaraha ayaa marka aad weydiiso sida ay u arkayaan waxyaabaha ka dhacaya Suuqaas waxay kuu sheegayaan in uu jiro qorshe lagu doonayo in lagu baabi’iyo Suuqa Bakaaraha, kaasi oo aaney weli dareensaneyn dadka ganacsiga muuqda ku leh.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).