13 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Maraakiib Dagaal oo ay leeyihiin Dowladaha Mareykanka iyo Faransiiska oo Xeebta Boosaaso ku hareereeyay Kooxo Burcad Badeed ah oo Markab heysta

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, December 04, 2007(HOL): Maraakiib dagaal oo ay leeyihiin Dowladaha Mareykanka iyo Faransiiska ayaa waxay Xeebta Boosaaso ku hareereeyeen Kooxo Burcad Badeed ah oo Markab ay heysteen muddo bil ka badan halkaas la tegay.
 
Kooxahan Burcad Badeedka ah  ayaa Xeebta Boosaaso tegay kadib markii ay soo ceyrsadeen Maraakiibta Dagaalka Mareykanka iyo Faransiiska, kuwaasi oo ku amray in ay ka degaan Markabka ay heystaan, isla markaana ay ku wareejiyaan.
 
Wasiirka Dekedaha Puntland Saciid Maxamed Raage ayaa u sheegay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga in Kooxahaas Burcad Badeedka ah ay dhexda ugu jiraan Ciidamada Badda Mareykanka iyo Faransiiska  iyo Ciidamada Maamulka Puntland, isla markaana haatan ay socdaan wada hadallo ku saabsan sidii ay Kooxaha Burcad Badeedka ah isu soo dhiibi lahaayeen.
 
Wasiirka waxaa uu sheegay in haddii ay isa soo dhiibi waayaan Kooxahan Burcad Badeedka ah lala dagaalami doono, kadibna si qasab ah looga soo furan doono Markabka ay heystaan, “Waxaan ku dadaaleynaa in aan Kooxaha Burcadka ah aan gacanta ku dhigno iyadoo aysan wax dhibaato ah dhicin, haddii ay diidaan in ay isa soo dhiibaanna waa lala dagaalamayaa, waxayna kadib geli doonaan Xabsi kale oo banaanka ah oo aan ahayn Xabsiga Boosaaso”ayuu yiri Saciid Maxamed Raage, Wasiirka Dekedaha Puntland.
 
Sida uu sheegay Wasiirka Dekedaha Maamulka Puntland Saciid Maxamed Raage Kooxahan Burcad Badeedka ah ayaa Markabka ay heystaan waxaa uu u afduuban yahay muddo 40 cisho ka badan, waxayna mudadaas kula dhuumanayeen meelo ka mid ah Xeebaha Soomaaliya. Hareereynta lagu sameeyay Kooxdan Burcad Badeedka ah ayaa waxay hakad gelisay howlihii dejinta iyo dhoofinta ahaa ee ka socday Dekedda Magaalada Boosaaso.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Maraakiibta Dagaalka ee Mareykanka iyo Faransiiska ayaa waxaa bilaabeen in ay Xeebaha Soomaaliya kala dagaalamaan Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Maraakiibta iyo Doomaha qafaasha, waxaana tan iyo markii ay soo galeen Xeebaha Soomaaliya lagu guuleystay in gacanta Burcad Badeedka laga bixiyo Maraakiib badan oo ay af-duubteen iyo weliba in ay si nabadgelyo ah u soo xirtaan Maraakiib u raran Hay’adda WFP, kuwaasi oo labo markab oo u kireysan ay haatan markii labaad ku soo xirteen Dekedda Macmalka ah ee Marka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).