Talaado, December 04, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in ay halkaas goor dhaweyd ka dhoofeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaarihiisa Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
Wararku waxay intaas ku darayaan in ay labada mas’uul ku sii jeedaan dalal ka tirsan Bariga Afrika oo kala ah Kenya iyo Itoobiya, halkaas oo ay shirar kula leeyihiin Wakiillada Dalalka Daneeya Arrimaha Soomaaliya iyo weliba mas’uuliyiinta Dowladda Itoobiya, iyadoo ay sidoo kalena jiraan warar sheegaya in madaxda Dowladda ay socdaallo ku tegi doonaan dalal ka tirsan Qaaradda Yurub oo kala ah Britain iyo Portugal.
Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha oo sii mari doona Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxay socdaal ku tegayaan Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya, halkaasi oo uu ka dhacayo shir looga hadlayo Arrimaha Dalalka Soomaaliya, Suudaan iyo kuwa leh Harooyinka waa weyn ee Afrika ku yaala.
Shirkaas oo ay ka soo qeybgeleyso Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Condoleezza Rice ayaa ajendayaasha looga hadli doono waxaa ka mida ah dhibataada ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, xaaladda ay ku nool yihiin Dadka ka barakacay Magaalada Muqdisho ee ku sugan Muqdisho duleedyadeeda iyo Xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo sidoo kalena shirkaas lagu soo qaadi doono sidii loo suurtagelin lahaa jawi ay ku wada hadlaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradkeeda, kaasi oo haddii ay miro ka soo baxaan aakhirka keeni doona in Dalka Soomaaliya ay doorasho xor ah oo xaq ah ka dhacdo sanadkan 2009.
Ugu dambeyntina Socdaalka ay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaraha Soomaaliya ku tegayaan Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya ayaa dhanka kale la sheegayaa in uu leeyahay ujeeddo kale oo ah in Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Nuur Cadde la soo bari doono madaxda Dowladda Itoobiya, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ra’iisal Wasaarahan uu yahay mid aan ka mid ahaan jirin Hoggaamiye Kooxeedyadii Soomaaliya ama xitaa ka qeybgalay Shirkii Kenya ee ay ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay hoggaanka u hayeen Dowladaha IGAD, gaar ahaan Kenya, Itoobiya iyo Uganda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia