12.6 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Xukuumadda cusub ugu baaqay in ay hal sano ku qabato wax lagu qaban waayay Seddexdii sano ee la soo dhaafay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 03, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo la dardaarmayay Xubnaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xalay lagu dhawaaqay ayaa wuxuu sheegay in Xukuumada cusub looga baahan yahay in ay muddo hal sano ah oo maanta ka bilaabaneysa ay ku qabato wax dowladda federaalka u qabsoomi waayay mudadii seddexda sano ahayd ee laga soo gudbay.
 
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu sheegay in uusan cidna ku eedeyneynin waxqabad la’aanta seddexdii sano ee la soo dhaafay ee Dowladda Federaalka, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in haatan iyo wixii ka dambeeya la iska doonayo in si adag loo shaqeeyo, isla markaana mudadaas sanadka ah wax badan lagu qabto.

“Mudadaas sanadka ah marka ay dhamaato waxa dalka uu u gudbayo waxay noqon doonaan doorashooyin madax banaan oo ay dadku doortaan ciddii ay doonayaan, waxaase loo baahan yahay si doorashadaas waqtigeeda ay u dhacdo in laga shaqeeyo oo la sii diyaariyo dastuurkii federaalka, maamul goboleedyadii dalka, markaas kadibna la sameeyo guddi madax bannaan oo doorashadaas qaabilsan”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Madaxweynaha oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in haddii aan waqtiga u harsan dowladda federaalka aan lagu gaarsiin dalka doorashooyin in aysan Dowladda Federaalka meesha ka tegi doonin, “Annaga ma dooneynin in aan sida Dowladdii TNG-da aan meesha iska fadhino, kuwaasi oo sidii ay isaga fadhiyeen kadib la yiri shir dib u heshiisiin ah baa la qabanayaa ee ka soo qeybgala” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in uusan aaminsaneyn in shir dib u heshiisiin ah oo kale Soomaaliya loo qaban doono.

Ugu dambeyntiiba madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed wuxuu ugu baaqay Beesha Caalamka, Shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka in ay wada shaqeeyaan oo markaasina meel looga soo wada jeesto sidii Soomaaliya looga dhigi lahaa sidii ay ahaan jirtay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).