Arbaco,
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Nairobi waxaa uu kulamo la soo qaatay Diblumaasiyiinta Dalalka Daneeya Arrimaha Soomaaliya ee fadhigooda yahay Dalka Kenya, kuwaasi oo ay ka wada hadleen Xaaladda uu haatan ku sugan yahay Dalka Soomaaliya iyo weliba is-bedelka ku yimid hoggaanka Dowladda Federaalka kadib markii uu is-casilay Prof. Cali Maxamed oo Ra’iisal Wasaare ka ahaa Soomaaliya.
Waxaan meesha ka marneyn in madaxweynaha iyo Diblumaasiyiintaas ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan Ra’iisal Wasaaraha uu soo magacaabayo maalmaha soo socda, kaasi oo uu madaxweynaha ka keeni karo Baarlamaanka Soomaaliya gudahiisa iyo dibaddisia.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ay shalay gelinkii dambe kulan gaar ah ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada Baydhabo, walow aan la shaacin waxyaabihii ay kulankoodaas uga wada hadleen.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ku guda jira maalmihii ugu dambeeyay ee uu la-tashiyada ka sameynayo Ra’iisal Wasaaraha uu soo magacaabayo ayaa waxaa la filayaa in uu maalmaha soo socda ku dhawaaqo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo jiraan musharixiin badan oo qalabka warbaahinta ka sheegay in ay doonayaan in ay xilkaas qabtaan, halka ay iyana jiraan musharixiin kale oo aan isa soo banaan dhigin, kuwaasi oo qudhooda uu hami kaga jiro in ay qabtaan Xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Madaxweyne Yuusuf oo shalay intii uusan ka amba bixin magaalada Nairobi shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in xaaladda ammaan ee dalka Soomaaliya ay haatan tahay markii ay ugu wanaagsaneyd mudadii 17 sano ahayd ee laga soo gudbay, isagoo taasina sabab uga dhigay in haatan uu is-bedel ku yimid hoggaanka Dowladda Federaalka, isla markaana ay socdaan howlgallo ammaanka lagu sugayo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online