Sabti,
Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in sababta uu Dowladda
Maxamed Dheere waxaa uu ku eedeeyay Dowladda Eritrea in ay lacago Shillin Soomaali been abuur ah soo gelin jirtay muddo dheer Dalka Soomaaliya, isla markaana ay lacagtaas ku bedelan jirtay Lacag Doollar ah oo sida uu yiri ay kula dagaalami jirtay Dowladda Itoobiya, “Efawerki (Madaxweynaha Eritrea) wuxuu qaadan la’ yahay in aan Dowlad leenahay oo aan iska diideyno wixii uu Soomaaliya ka sameyn jiray”ayuu yiri Maxamed Dheere.
Maxamed Dheere oo ka hadlayay Seminaar loo qabtay xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa kale oo uu soo hadal qaaday kooxaha dilalka ka geysta Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo uu sheegay inay iska celin karaan Dadka Muqdisho haddii ay xaafad-xaafad isugu xirmaan, “Haddii aad isku xirantaan waad awoodi kartaan in aad difaacdiin nabadgelyadiina iyo sharaftiina, mana idinka adkaan karaan wiilal yar oo bastoolado wata”ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in Dadka Muqdisho haddii ay warmo soo tuntaan ay iska celin karaan kooxaha nabadda u diidan.
Dhanka kalena Maxamed Dheere waxaa uu taageeray qodobo ka soo baxay shir ay qaar ka mid Salaadiinta Beesha Hawiye ku yeesheen Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ku baaqay in la joojiyo xabadda Muqdisho ka socota, in Dadkii Muqdisho ka barakcay ay dib u soo noqdaan iyo in Khilaafaadyada jira Nabad iyo Wada hadal lagu xaliyo.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Hadalka uu maanta sii daayay Maxamed Dheere ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Xubno mucaarad ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Dalka
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online