10 C
London
Thursday, October 23, 2025

Banaanbax looga soo horjeedo Joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya oo Muqdisho ka dhacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, November 01, 2007(HOL):  Banaanbax looga soo horjeedo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya ayaa goor dhaweyd waxaa uu ka dhacay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho.

 

Banaanbaxan oo ay ka qeybqaateen Dadka Deegaankaas ku dhaqan oo u badan Dumar iyo Caruur ayaa Dadkii ka qeybgalay waxay ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

 

“Ciidamo Shisheeye doonimeyo, Gumeysi doonimeyo, Itoobiya ha naga baxdo iyo ereyo ayay ku dhawaaqayeen Dadkii ka qeybgalay banaanbaxaas, sida uu HOL u sheegay C/risaaq Axmed Xasan oo ka mid ah Dadka Degan Xaafadda Suuqa Xoolaha.

 

Dibadbaxayaasha oo Caruur u badnaa ayaa waxay Gaadiidka isticmaala Wadada dhexmarta Suuqa Xoolaha ku tuurayeen dhagxaan iyo Ulo ay wateen, iyagoo sida la sheegay doonayay in ay gaadiidka dhigaan, kadibna ay banaanbaxa kala qeybgalaan.

 

Lama soo sheegin wax carqalad ah iyo dhibaato ah oo banaanbaxayaasha ku yimid intii ay banaanbaxa sameynayeen, wuxuuna banaanbaxooda ku soo dhamaaday si nabadgelyo ah.

 

Dhawaan ayay ahayd markii  ay magaalada Muqdisho ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeeday joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya, iyadoo Banaanbaxyadaasna lagu gubay Taayarro la dhigay qaar ka mid ah Waddooyinka Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).