8.6 C
London
Thursday, October 23, 2025

Wafdi ka socday Hay’adaha Maalgashiga Dunida oo la kulmay Madaxda Somaliland

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 31, 2007(HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale, ayaa Xafiiskiisa ku qaabiley Wefti ka socda Shirkad Ganacsi oo laga leeyahay dalka Norway. Shirkadaas oo ka mid ah kuwa maalgashiga waddamada shisheeye daneeya.

 

M/weynaha oo weftigan xalay la kulmay, waxay ka wada hadleen arrimo badan oo ay isla soo qaadeen. Warsaxaafadeed arrintaa ku saabsan oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Caddaani, ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

 

“Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu caawa (Xalay) qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi ka socda Dalka Norway .

 

Wefdigaasi oo booqasho gaaban ku soo gaadhay Jamhuuriyada Somaliland waxa ay ka socdaan Shirkaddo  ganacsiya  oo ka tirsan Wadanka Norway oo ka mid ah shirkadaha daneeya Maal gashiga  wadamada dibada .

 

Madaxweynaha JSL oo hadal kooban u jeediyay wefdiga Norway kulankoodii caawa (Xalay) dhex maray waxa uu si diiran u soo dhaweeyay Booqashada wefdigu ku yimaadeen Somaliland , isaga oo si weyn ugu rajeeyay wefdiga in mudada gaaban ee ay joogaan dalka ay indhahooda ku arki doonaan Somaliland horumarka ay gaadhay  oo dhinacyo badan ah, gaar ahaan  Nabada, Xasiloonida iyo Nidaamka dimuqraadiga ah ee ka hana qaaday Somaliland tan iyo intii  ay Qaranimadeeda la soo noqotay.

 

Madaxweynuhu , waxa uu wefdiga u sheegay in caalamku had iyo jeer ay isku khaldaan Somaliland iyo Soomaaliya , hase yeeshee in labadaa wadan ay ahaayeen laba dal oo midoobay 1960-kii, Somalilandna ay kala soo noqotay qaranimadeedii markii ay bur burtay Wadankii la odhan jiray Soomaaliya.

 

Madaxweynuhu, waxa kale oo uu wefdiga u sheegay in Somaliland ay gacma furan ku soo dhawaynayso shirkadaha danaynaya in ay Maal gashi ku sameeyaan dalka  , iyada oo Somaliland hodan ku tahay waxyaabo fara badan oo ay ka mid tahay Batroolka, Gaasta iyo khayraad badan oo dabiici ah, waxana uu Madaxweynuhu uu u sheegay in ay Somaliland diyaar u tahay in ay ka faa’iidaysato khibrada iyo waayo aragnimada ay Norway u leedahay Wax soo saarka Saliida iyo Gaasta, isaga oo Madaxweynuhu ka waramay  khibrada iyo waayo aragnimada ay Norway u leedahay   arrimahaasi, taas oo uu  indhihiisa ku soo arkay labadii jeer ee uu Booqashada ku tegay  dalkaas.

 

Mr Jarand Rystad oo ka mid ahaa wefdiga , kana tirsan shirkadaha Saliidda  Baadha , waxa uu  isna halkaas ka sheegay in shirkadahoodu ay danaynayaan in ay u soo diraan Somaliland khubaro waayo aragnimo u leh Saliida iyo Macdanta Dabiiciga ah, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay maal gashadaan Mustaqbalka soo socda Jamhuuriyada Somaliland .

 

Waxaa kale oo uu Mr Rystad  intaa raaciyay in  meelaha kale ee ay danaynayaan ay ka mid tahay in dhalinyarada loo abuuro  meelo ay ku qaataan tababarada Ciyaaraha, si ay ula hana qaadaan dalalka ciyaaraha wadamada Afrika, taas oo wax weyn ka tari doonta mustaqbalka Jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaan dhalinyarada iyo faca soo koraya.

 

Waxa iyaguna kulankaasi goob joog ka ahaa  wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Norway Mudane Axmed Maxamed Aadan (Linan) iyo Mudane Siciid Maxamed Amiin oo ah Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Dalka Norway.”

 

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online

kaariye104@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).