9 C
London
Saturday, October 25, 2025

Madaxweyne Daahir Rayaale oo la kulmay Wafti ka socda Dawladda Faransiiska

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, October 25, 2007(HOL): Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Wefti ka socda Dawladda Faransiiska oo uu hor kacayo Safiirka Faransiiska u fadhiya Jabuuti Mr. Yves Bertin. Isla markaana waxay labada dhinac ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dhinac.

 

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Caddaani, waxa kulankan Madaxweynaha ku weheliyay raxan ka tirsan Golaha Wasiirada Somaliland. Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirnaina wuxuu u dhignaa sidan;

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu Maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefdi ka socda Dawlada Faransiiska oo booqasho  gaaban ku yimid Somaliland.

Wefdigaasi oo ka kooban Shan qof waxa ka mid ah Safiirada Dawlada Faransiiska u fadhiya Wadamada Nayroobi iyo Jabuuti .

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin  hadal soo dhawayn ah oo uu wefdiga u jeediyay waxa uu ku sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada wefdiga Faransiisku ku yimaadeen Somaliland , isaga oo sheegay in Dalka Faransiiska iyo Somaliland xidhiidh soo jireen ah uu ka dhaxayn jiray tan iyo dagaalkii labaad ee dunida , sidaa darteed Shacbiga Somaliland  ay ka filayaan in Dawlada Faransiisku ay dhinacyo badan oo horumarka ah ay ka taageerto Jamhuuriyada Somaliland.

 

waxa kale oo uu madaxweynuhu soo qaaday in Shirkadii ugu horeysa  ee maal gashata Somaliland ay tahay Shirkadda Patroolka  ee Faransiiska loona yaqaano TOTAL .

 

Waxa kale oo uu madaxweynuhu sheegay in Dawlada Faransiisku  ay gacan ka siisay Somaliland shirkii lagu dhisay Qaranimada JSL   ee Lagu qabtay  Magaalada Boorame sanadkii 1993-kii, hase yeeshee mudadii ka dambaysay wax kaalmo ah aanay Faransiisku u fidin  Somaliland.

 

Madaxweynuhu waxa kale oo uu wefdiga uga waramay waxyaabaha ay Somaliland qabsatay iyo horumarka ay ku tallaabsatay tan iyo intii  qaranimadeeda kala soo noqotay Wadankii la isku odhan jiray Soomaaliya.

 

hogaamiyaha wefdiga Faransiiska Ambassador  Yves Bertin oo ah Danjiraha Dawlada Faransiiska u qaabilsan dhinaca siyaasada, fadhigiisuna yahay Magaalada Jabuuti, waxa uu isna halkaa ka sheegay in isaga iyo wefdigiisuba ay aad ula dhaceen waxyaabaha  ay Somaliland qabsatay, gaar ahaan  dhinaca Nabad gelyada, Xasiloonida iyo nidaamka dimuqraadiyada.

 

Ambassador-ku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in ujeedada wefdigiisu ay ka mid tahay in ay indha-indheeyaan warbixina u gudbiyaan Dawladooda meelaha u baahan in laga taageero dalka Jamhuuriyada Somaliland, si ay sii wadaan horumarka ay ku tallaabsadeen.

 

Ambasador-ku waxa kale oo uu sheegay in wefdigoodani aanu noqon doonin wefdigii ugu dambeeyay , hase yeeshee  ay filayaan inuu wufuud badan oo Dawlada Faransiiska ka mid ahi  ay soo booqan doonaan  mustaqbalka soo socda.

 

Madaxweynaha  JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu  is baray  Wefdiga  Faransiiska iyo wakiilka cusub  ee Somaliland ee dhawaan loo magacaabay Faransiiska Mudane  Maxamuud Saalax Fagadhe oo ah nin muddo dheer ka soo shaqaynayay Arrimaha Dibada , waayo aragnimo-na u leh xidhiidhada iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya caalamka.

 

kulankaasi  Maanta dhex maray Madaxweynaha iyo wefdiga Faransiiska waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiiro dhawr ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibada Mudane C/laahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Caafimaadka Mudane Cabdi Haybe, Wasiirka Kalluumaysiga Mudane Cali Maxamed Xasan iyo Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane C/risaaq Waaberi Rooble.”

 

Dhinaca kale, M/weyne Rayaale wuxuu dhagax-dhigay dhismaha Qayb cusub oo lagu kordhinayo Madaarka Diyaaradaha ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo uu kormeer ku soo maray.

 

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online

kaariye104@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).