9 C
London
Saturday, October 25, 2025

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay Miino kula qaraxday Gudaha Magaalada Beledweyne

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, October 25, 2007(HOL): Labo ka tirsan Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa ku geeriyootay 6 kalena dhaawac culus ayaa ka soo gaaray Miino Dhulka loogu aasay Gaari (Cabdi Bile ah) Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne.

 

Gaariga oo sida la sheegay markii uu qarxayay ka soo laabtay Suuqa lagu iibiyo Xoolaha ee Xaafadda Howl-wadaag ayaa la ogeyn cidda halkaa u sii dhigtay Miinada lagu qarxiyay, laakiin waxaa la rumeysan yahay in halkaas lagu sii aasay intii uu gaarigu ku maqnaa gudaha Suuqa xoolaha oo uu geeyay Ciidamada maamulku ugu tala galay qaadista canshuuraha.

 

Dhaawaca oo la dhigay Isbitaalka Guud ee magaalada Beledweyne ayaa qaar ka mid ah dhaqaatiirtu ii xaqiijiyeen in ay qabaan waxyeelo culus, isla markaana lala tacaalayo sidii loo samatabixin lahaa.

 

Wariye Nuur Muuse Xuseen oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howl-gala gobalka oo ku sugnaa goob aan ka fogeyn halka qaraxu ka dhacay ayaa ii sheegay in qaraxu ku soo beegmay xili dad faro badan oo u ganacsi tagi lahaa suuqa xoolaha ay ku sii jeedeen wadada qaraxu ka dhacay, taasoo keentay in isu socodku hakad galo.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo weerar lagu qaado  ciidamada Dowlada Federaalka laakiin weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee waxyeelo ka soo gaarto Ciidamada Dowlada Federaalka ee ku sugan Magaalada Beledweyne.

 

Wixii Warar ah ee soo kordha kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyne, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).