Axad,
Madaxa Baarista iyo
“ Waxa hadda socda wax la diiwaangelin karo waaba ka badan yihiin, Xadgudubyo bad ah ayaa socda oo loo geysanayo Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Dadka Rayidka ah oo aan waxba galabsan, sidaas darteed haddii aan nahay Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha waxaan codsaneynaa in la joojiyo dhibaatada la gaarsiinayo Dadka rayidka ah”ayuu yiri C/llaahi Calas Jimcaale.
C/llaahi Calas Jimcaale oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay ka codsanayaan dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Kooxaha ka soo horjeeda in xabad joojin la sameeyo, in ay wada hadal sameeyaan, in ay Dib u heshiisiin run ah sameeyaan, in loo naxariisto dadka Soomaaliyeed oo dhibaateysan, isagoo intaas ku sii daray in ay Beesha Caalamkana ugu baaqayaan in ay isu soo jiiddo dhinacyada isku haya Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
“Xadgudubyada hadda socda waxay lid ku yihiin Shareecada Islaamka, Qaanuunnada Caalamiga ah, Dhaqanka Soomaaliyeed ee la aqooni jiray, haddii ay sii socdaana meeshan nolol
Sikastaba arrintu ha ahaatee, Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ee ka howlgala gudaha Dalka Soomaaliya ayaa mar kasta waxay soo saaraan baaqyo ay ku dalbanayaan in la joojiyo xadgudubyada ka dhaca Soomaaliya ee ka dhanka ah Bani’aadannimada, walow baaqyadooda ay noqdaan kuwo aaney dheg u dhigin dhinacyada ay ku socdaan ee xadgudubyada geysta.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






