9.9 C
London
Sunday, October 26, 2025

Maxaa ka jira in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uusan tegeynin Magaalada Addis Ababa?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, October 18, 2007(HOL): Maalintii shalay ahayd waxaa si kedis uga dhoofay Dalka Ra’iisal Wasaaraha Dalka Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, kaasi oo la sheegay in uu u amba baxay Dalka Itoobiya oo looga yeeray.

 

Socdaalka Ra’iisal Wasaaraha kadib waxaa soo baxayay warar sheegayay in uu isna Addis Ababa u dhoofi doono Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo Ra’iisal Wasaaraha ay is-khilaafsan yihiin, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in uusan Madaxweynaha u soconin Dalka Itoobiya.

 

Afhayeen u hadlay Madaxweyne C/llaahi Yuusud Axmed oo lagu magacaabo C/risaaq Aadan Xasan ayaa sheegay in uusan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf u soconin Addis Ababa, isla markaana uu howl ka hayo gudaha Dalka Soomaaliya.

 

Inkastoo uu Afhayeenka u hadlay Madaxweyne Yuusuf uu sidaas leeyahay, hadana waxaa jira warar isa soo taraya oo sheegaya in madaxweynaha uu isna tegi doono magaalada Addis Ababa, halkaasi oo isaga iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ay ku dhexdhexaadin doonaan madaxda Itoobiya.

 

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa shalay markii uu tegay magaalada Addis Ababa waxaa uu kulamo la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen, iyadoo garoonka Diyaaradahana uu ku soo dhaweeyay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Mr. Tadhaka Alimu.

 

Ra’iisal Wasaare Geeddi ayaa maanta la filayaa in uu kulan kale la qaato Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, kaasi oo ay ka wada hadli doonaan xaaladda Dalka Soomaaliya iyo weliba khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweyne Yuusuf.

 

Sidoo kalenna inta uu  Ra’iisal Wasaaraha joogo magaalada Addis Ababa joogo ayuu kulamo la qaadan doonaan Madaxda Midowga Afrika, kuwaasi oo ay isla soo qaadi doonaan arrimaha Dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo nabadgelyada.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).