8.8 C
London
Sunday, October 26, 2025

Odayaasha Beesha Hawiye oo Maamulka Gobolka Banaadir ku eedeeyay in uu wax u dhimayo Wada hadalladii ay la yeesheen Ra’iisal Wasaare Geeddi

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, October 15, 2007(HOL): Odayaasha Beesha Hawiye Garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa ku eedeeyay Maamulka Gobolka Banaadir in uu wax u dhimayo wada hadalladii dhawaan dhexmaray iyaga iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, kuwaasi oo ay ka soo baxeen go’aanno ay ka mid ahaayeen in xabada la joojiyo, isla markaana ay dadkii Muqdisho ka barakacay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

 

Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir ay Ciidamadiisa dhaqdhaqaaqyo ka wadaan Magaalada Muqdisho, isagoo caddeeyay in ay dhaqdhaqaaqyadaas yihiin kuwo lid ku ah isu soo dhawaanshihii dhexmaray Odayaasha Hawiye iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Axmed Diiriye waxaa uu intaas ku daray in kulankii ay la qaateen Ra’iisal Wasaare Geeddi ay ka soo baxeen go’aanno ay ka mid ahaayeen in aan dhibaato dambe loo geysan doonin Dadka Muqdisho, isla markaana aysan jiri doonin ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo dadka barakicin doona.

 

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa kadib markii ay in muddo ah mucaaradayeen oo ay saxaafadda hadallo kul kulul uga jeedinayeen Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii waxaa lagu guuleystay in la kulansiiyo Odayaashaas iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay kulankaas ka qeybgaleen Xildhibaanada iyo Wasiirrada Dowladda Federaalka ugu jira Beesha Hawiye.

 

Wada hadalkaas dhexmaray Odayaasha Beesha Hawiye iyo Ra’iisal Wasaare Geeddi ayaa waxaa soo dhaweeyay Dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo isu soo dhawaashaha dhexmaray labada dhinac ay uga dhex muuqato rajo nabadeed oo lagu soo af-jari karo dhibaatada ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).