Axad,
Ganacsatada dhisanaya Dhismooyinka Dhagaxa ah ayaa sheegay in ay sababta ay dhismayaashooda dhagaxa uga dhigeen ay tahay in ay doonayaan in aysan mar kale ka guban hantidooda.
Ganacsade Maxamed Shire oo ganacsatadaas ka mid ah ayaa sheegay in ay muddo dhowr jeer ah Suuqa Bakaaraha uga gubatay Hanti badan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay haatan rajeynayaan in aysan mar dambe guban doonin hantidooda bacdamaa ay dhismayaasha dhagaxa ah hakiyaan dabka.
Hayeeshee ganacsatada dhisanaya dhismayaasha Jiingadaha ah ayaa sheegay in aysan awood u lahayn in ay dhistaan dukaamo dhagxaan ka sameysan, sidaas darteedna ay Allaah talo saaranayaan, isla markaana ay dib u dhisanayaan Dukaamo Jiingado ka sameysan oo la mid ah kuwii ka gubtay oo kale.
Guddi Ganacsato ah oo ka socda Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa dhawaanahan wuxuu dadaal ugu jiray sidii dhismayaashii gubtay dhamaantood looga dhigi lahaa kuwo dhagax ah, si haddii ay mar kale gubasho ku timaado uusan Dabka u faafin sidii dhacday dhowr jeer oo hore oo uu Suuqa gubtay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, 3-dii bishan ayay ahayd markii uu gubtay Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya, iyadoo dabkii Suuqaas ka kacayna uu baabi’iyay hanti badan oo ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






