Sabti,
Ra’iisal Wasaare Geeddi waxaa uu sheegay in Dowlado badan oo loo soo dhisay Soomaaliya ay shaqeyn waayeen, balse ay shaqeyneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu soo dhisay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee mudada labada sano ahayd ka socday Dalka Kenya, kaasi oo sida uu yiri ay aakhirkii ka soo baxday Dowlad Dastuuri ah oo sharci ku fadhida.
“Dadkii Soomaaliyeed ee hal qoys ahaa, hal dhaqan lahaa, hal Diin lahaa oo Diinta Islaamka ah musiibadii ku dhacday waxay isaga reebeen Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dalka Kenya lagu qabto, kaasi oo keenay in lagu guuleysto oo la isku waafaqo Axdiga KMG ah ee ka kooban 71-ka Qodob, kaasi oo qofkii ka leexata aan u arkeyno in ay Qaran Dumis tahay”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geeddi oo sheegay in maamul asalkiisa uu khilaaf u daran yahay, isla markaana loo baahan yahay in khilaafka laga ilaaliyo”ayuu yiri Prof. Geeddi.
Waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka uu u yaallo Axdi KMG ah oo qodobadiisa ay ka kooban yihiin 71 Qodob, kuwaasi oo aaney jirin cid ku xad-gudbi karta, “Qodobadaas ayaa lagu wada shaqeynayaa, ciddii ku xadgudubtana sharciga ayaa lagu qaadayaa xitaa anigaba Alle haka dhigee”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geeddi.
“Shacabka Soomaaliyeed waayo-aragnimo ayuu u yeeshay Dowlad la dumiyo Dhibka ay leedahay, Dowlad xun waxaa la yiraahdaa Dowlad la’aan bey dhaantaa, Dowladihii hore wixii ay ku dumeen maalin hore waan sheegay, haddana waan ku celinayaa, Cadaalad darro, qab weynin , qabyaalad iyo dulmi ayay ku dumeen, marka waayo-aragnimadaas aan qaadanay in ay cashar noogu filan tahay ayaan qabaa, lagana ilaaliyo Qaranka Soomaaliyeed iyo Shacabka Soomaaliyeed, anigaa iri horaa loogu gubtay oo waad ogtihiin, ciddii maanta ku xisaabtameysa ama maanta isku dayeysa iimaanka Alle ha geliyo ayaan leenahay, Baarlamaanka Sharafta leh, Xukuumadda iyo Mas’uuliyiinta Qaranka waxaa waajib muqadas ah ku ah in ay ilaaliyaan sharafka Soomaaliyeed, sharafka sharciga iyo kala dambeynta sharciga, xaq iyo xaq-darro ma tarami karaan, dulmina cid qaadaneysa iyo cid sameyn karta ma jirto, waxaan Baarlamaanka, Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in la ilaaliyo wixii lagu soo heshiiyay”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geeddi oo sheegay in Qaranka Soomaaliyeed uu u baahan yahay in xaaladda uu ku jiro laga samatabixiyo.
Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa intaas kadib ugu baaqay Mudanayaasha Baarlamaanka in ay Axdiga u degsan Dowladda Federaalka u hiiliyaan, isagoo uga digay in ay ka shaqeeyaan wax Umadda Soomaaliyeed dhibaato u keena.
Ugu dambeyntiina,Hadalka Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu cirka isku sii shareerayo khilaaf u dhaxeeya Madaxweyne Yuusuf iyo Prof. Geeddi, isla markaana ay Xildhibaannada Baarlamaanka la kala safteen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






