11.6 C
London
Saturday, November 8, 2025

AXMED GOBEY CAWAALE:- Ilaa hadda ma arag cid xil loo soo magacaabay Laakiin waxaan arkay Rag la wareegaya warqado aan sharci ahayn”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, August 23, 2007(HOL): Gudoomiyaha Degmada B/weyne Axmed Gobey Cawaale oo dhawaan Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madax-weynaha lagaga qaaday Xilkii uu ka hayay degmada B/weyne ayaa sheegay in uusan ogeyn Mas’uuliyiin Cusub oo la soo magacaabay islamarkaana isagu wali yahay gudoomiyaha Degmada.

 

Axmed Gobay ayaa sidoo kale sheegay in uusan xilka ku wareejin doonin sida uu hadalka u dhigay  warqad A-4 ah oo aan  wax washarci ah ku fadhin, waxaana uu intaa ku daray in shabka reer B/weyne oo xiriir la soo sameeyay ay ka codsadeen in uu xilka sii hayo.

 

Guddoomiyaha oo la weydiiyay su’aal aheyd waxa ay ka wada hadleen kulan dhawaan uu la qaaday Saraakiisha Ciidamada Itoobiya, waxaa uu sheegay in  Sarkiishu u soo bandhigeen sidii looga wada shaqeyn lahaa nabad-galyada guud taasoo aan ka aqbalay ayuu yiri. 

 

Hadalka Gudoomiyaha Degmada B/weyne ayaa muujinaya khilaafka adag ee wali u dhaxeeya Mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka Hiiraan, waxaana wali ku sugan gudaha Magaalada B/weyne dhamaan xubnihii Dowlada Federaalku soo magacaawday kuwaasoo aan wali wax xil ah lagu wareejin.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).