Khamiis,
Duqii hore ee Muqdisho, waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in Dowladda Federaalka ay dadka shacabka ah hubka ka qaaday, taasoo uu sheegay in ay sababtay in dadka waddooyinka iyo guryaha lagu gumaado, taasna ay tahay khaladka ugu weyn ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya gashay uuna ku dhaliilayo.
Isagoo ka hadlayay Cadde Gaaboow Xaflad baroordiiq ah oo loo sameeyay ALLAHA u raxmadee Cali Iimaan Sharma’arke iyo Mahad Axmed Cilmi oo 11-kii bishaan siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho ayuu sheegay inuu weli yahay duqa Magaalada Muqdisho, balse laga qaaday oo keliya howlihii uu Dowladda uga hayay Muqdihso, wuxuuna sheegay in duqa u dhalasho ay tahay balse aysan ahayn xilka laga hayo Muqdisho.
“Gobolka Banaadir aniga ayaa u dhashay, aniga ayaana duq ka ah, balse maamulka waxaa iska leh dowaldda oo xilkii aan u hayay oo keliya ayay dowladdu iga qaaday, balse igama qaadi karto u dhalashada Gobolka baanadir” ayuu si caro ay ku jirto u yiri Cadde Gaaboow.
Cadde Gaaboow, wuxuu sidoo kale yiri: “Dadka la dilayo iyo kuwa lagu gumaadayo Muqdisoh, waa kuweygii mana dhacayso in dhibaatadaas lagu hayo ay sii socoto, waan ka hortagaynaa waxaana uga hortagaynaa si cad oo muuqata”.
Mar uu ka hadlayay hadalkii Maxamed Dheere ee ahaa in dadka uk baro kacay duleedka Muqdisho ay xiriir la leeyihiin Argagaxiso ayuu sheegay in hadalkaas uu yahay mid meel ka dhac ah, isla markaana uu aad uga xun yahay in dadka ka barokacay dhibaatada Muqdisho ka jirta lagu tilmaamo inay yihiin Al-Qaacida xiriir la leh Argagaxisada caalamiga ah, welibana looga digo Hay’adaha gargaarka inay quudiyaan.
Hadalka Cadde Gaaboow, ayaa kusoo beegmay iyadoo dadkaas ay isugu soo baxeen bannaanka weyn ee deeegaanka Carbiska iyagoo ka ashtakoonaya hadlkii Maxamed Dheere, codsanayayna in gargaar lala soo gaaro.
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online






