11.8 C
London
Saturday, November 8, 2025

Maxaa looga hadlay kulan ay Nairobi ku yeesheen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyi Saraakiil Mareykan ah?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, August 17, 2007 (HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo booqasho howleed ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa wuxuu halkaas kulan kula qaatay saraakiil Mareykan ah oo isugu jira kuwo ka tirsan Safaaradda Mareykanka ee Nairobi iyo kuwo kale oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

 

Xildhibaan C/rashiid Aadan Seed oo ah Ergayga gaar ah ee Madaxweyne Yuusuf u qaabilsan Dalalka Dibadda ayaa sheegay in madaxweynaha iyo Saraakiisha Mareykanka ah ay ka wada hadleen sidii ay Dowladda Mareykanka iyo Dowladda Soomaaliya ay u sii xoojin lahaa xiriirka u dhaxeeya, isla markaana ay dhinacyo badan isaga kaashan lahaayeen.

Halkan ka dhegeyso

Faahfaahinta Kulanka

 

C/rashiid Seed oo u waramayay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga waxaa uu intaas ku daray in kulankaas sidoo kale la iskula soo qaaday xalinta Mashkilaadka Soomaaliya iyo weliba arrimaha Shirka Dib u heshiisiinta ah ee ka socda Magaalada Muqdisho.

 

Xildhibaan C/rashiid Aadan Seed waxaa uu sheegay in aysan isla xiriirin socdaalka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Warbixin ay dhawaan soo saartay Hay’adda Dhowrista Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch, taasi oo lagu sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya ay Dembiyo Dagaal ka galeen Soomaaliya.

 

Sidoo kalena, C/rashiid Seed waxaa uu intaas ku daray in inta uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku sugan yahay magaalada Nairobi uu kulan la qaadan doono Madaxweynaha Kenya Mr. Mwai Kibaki, kaasi oo uu xusay in ay isla soo qaadi doonaan arrimo ku saabsan Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya, iyo kaalinta ay Kenya ka geysaneyso Arrimaha Dalka Soomaaliya, sidoo kalena waxaa uu xusay in ay Madaxweynaha is-arki doonaan Wakiillada Dalalka Beesha Caalamka ee Nairobi ku sugan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).