12.8 C
London
Monday, November 10, 2025

MADAXWEYNE CADDE MUUSE: “Dhowrkii habeen ee aan Muqdisho joogay ma maleyn kartid sidii aan u hurday”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, August 08, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Jen. Maxamuud Muuse Xirsi (Jen. Cadde) oo booqasho dhowr cisho ah ku jooga magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya oo ay ugu dambeysay muddo 30 sano ah ayaa wuxuu sheegay in waxa ka maqan Magaalada Muqdisho ay nabad tahay.

 

Madaxweyne Cadde Muuse waxaa uu sheegay in intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho uu ku soo wareegay meelo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho oo ay ugu dambeysay intii dalka ay ka talineysay Dowladdii hore, wuxuuna sheegay in magaalada ay aad ugu burburtay dagaalladii dalka ka dhacay dhowr iyo tobankii sano ee laga soo gudbay.

 

Intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho ayuu sheegay Madaxweyne Cadde Muuse in uu si wanaagsan u seexday, isagoo taasina ku sababeeyay in ammaanka Magaalada Muqdisho uu yahay mid lagu hurdi karo, “Dhowrkii habeen ee aan Muqdisho joogay ma maleyn kartid sidii aan u hurday” ayuuna yiri Madaxweyne Cadde Muuse.

 

Wuxuu sheegay in uu kulamo la qaatay dad ka socday beelaha ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo weliba dad ay asxaab ahaayeen oo muddo dheer ay isugu dambeysay, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka wada hadleen sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda Soomaaliya, gaar ahaan tan Caasimadda Muqdisho.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa mar uu ka hadlayay ujeedada socdaalkiisa Muqdisho wuxuu ku sheegay in uu la xiriiro sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedka Puntland, gaar ahaana dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Ammaanka.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa wuxuu sheegay in uu si weyn u jecel yahay Magaalada Muqdisho, isla markaana ay farxad u tahay in uu dib ugu soo laabto kadib muddo 30 sanadood ah oo uu ka maqnaa.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).