12 C
London
Monday, November 10, 2025

Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo sheegay in ay shaqada sii wadi doonaan ilaa inta laga dilayo Guddoomiyaha ugu dambeeya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, August 04, 2007(HOL): Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa maanta waxay shaaca ka qaadeen in ay sii wadi doonaan howsha ay u hayaan Maamulka Gobolka Banaadir tan iyo inta laga dilayo Guddoomiyaha ugu dambeeya.

 

Guddoomiyayaasha oo ka qeybgelayay aaska Guddoomiyihii Degmnada Yaaqshiid oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa waxay si kulul u cambaareeyeen kooxihii ka dambeeyay dilka marxuum Xaaji Cali Fiidow oo guddoomiye ka ahaa Degmada Yaaqshiid.

 

Guddoomiyaha Degmada Shibis Kulmiye Yabarow Haruur oo ka mid ahaa guddoomiyayaashii aaska ka hadlay ayaa sheegay in ay shaqada sii wadi doonaan tan iyo inta laga dilayo guddoomiyaha ugu dambeeya ee Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo xusay in dilalka lala daba joogo aysan wax cabsi ah gelin doonin.

 

Sidoo kalena, Guddoomiyaha Degmada Wardhiigley Xasan Cali Maxamed Xashaash ayaa isna sheegay in aysan u jixin-jixi doonin kooxaha dilalka u geysta mas’uuliyiinta Degmooyinka Gobolka Banaadir, “Alle dile ayaa dhinta, waqtina waan leenahay, sidaas darteed shaqada aan shacabka u heyno ugama tegeyno waa la idin dilayaa”ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Wardhiigley.

 

Guddoomiyaha Laanta Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid Xuseen Xaaji Cumar  ayaa isagana sheegay in ay ku daba jiraan oo aysan ka hari doonin kooxaha dilka u geysta Mas’uuliyiinta Degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo guddoomiyihii degmada Yaaqshiid ee xalay la dilayna ugu duceeyay in uu Alle naxariistiisa ka waraabiyo.

 

Horay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa loogu dilay Guddoomiyayaashii Degmooyinka Huriwaa, Howl-wadaag iyo Shibis, halka Guddoomiyaha Degmada Boondheere uu isna haatan dhaawac ahaan u yaalo Isbitaalka Keysaney kadib markii ay kooxo hubeysan weerareen xili uu ku sugnaa garoon Kubadda Cagta lagu ciyaaro oo Degmada Boondheere ku dhex yaala.

 

Kooxo hubeysan oo dhaqdhaqaaqyo ka wada Magaalada Muqdisho ayaa lagu eedeeyaa in ay Muqdisho ka wadaan iska caabin la mid ah tan ka socota Dalka Ciraaq, gaar ahaan Bambooyinka la dhigo hareeraha waddooyinka, qaraxayda is-miidaaminta ah iyo weliba dilalka loo geysanayo shaqaalaha Dowaldda Federaalka

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa xaalkeedu yahay mid aan xasilooneyn tan iyo wixii ka dambeeyay bishii Janaayo ee sanadkan, markaasi oo ay Ciidamada Dowladda Federaalka oo ay taageerayaan Ciidamo Itoobiyaan  ah ay xukunkii kala wareegeen maxkaamdihii Islaamka oo muddo lix bilood ah ka talinayay deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).