Jimco,
Axmed Gobey Cawaale waxaa uu sheegay in uu arkay wareegtada lagu soo magacaabay Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Daba-geed, sidaas darteedna ay soo dhaweynayaan, isagoo carrabka ku dhuftay in uu dadaal ugu jiro sidii si nabadgelyo ah loogu soo dhaweyn lahaa Guddoomiyaha cusub.
Mar uu ka hadlayay sida uu u arkayo hadal dhawaan uu qalabka warbaahinta ka sii daayay Xuseen Muxumed Maalin (Xuseen Ayax) oo horay Dowladda Federaalka ay ugu magacawday Guddoomiyenimada Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu sheegay Axmed Gobey Cawaale in ay kala gedisan yihiin hadalkii uu Guddoomiyaha Idaacadaha ka sheegay iyo waxa uu isagu kala kulmay, isagoo rajeeyay in uu guddoomiyaha ka qeyb-qaadan doono soo dhaweynta Guddoomiyaha cusub.
Dhanka kalena, Guddoomiyaha mar kale loo soo magacaabay Gobolka Hiiraan Yuusuf Daba-geed ayaa mar uu maanta Degmada Jalalaqsi kula hadlayay dadweyne isugu soo baxay waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu joojin doono canshuuraha dadka laga qaado, isagoo caddeeyay in aaney jirin cid canshuur laga qaadi doono tan iyo inta laga hagaajinayo ammaanka Gobolka.
Yuusuf Daba-geed ayaa la sheegay in uu sidoo kale Degmada Buulo-Burte kula hadli doono maamulka iyo dadweynaha degmadaas, kuwaasi oo uu u sharixi doono waxyaabaha uu doonayo in uu gobolka ku soo kordhiyo, iyadoo kadibna uu u sii gudbi doono Magaalada Beledweyne oo la soo sheegayo in ay ka socoto qaban-qaabo loogu jiro sidii loo soo dhaweyn lahaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






