12 C
London
Monday, November 10, 2025

Yuusuf Daba-geed iyo Ciidamo uu wato oo ku sii jeeda Gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, August 01, 2007(HOL): Yuusuf Axmed Xagar (Yuusuf Daba-geed) oo dhawaan sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mar kale u magacawday Guddoomiyenimada Gobolkaas iyo ciidamo uu wato ayaa ku sii jeeda Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

 

Yuusuf Daba-geed iyo Ciidamada uu wato ayaa maanta waxay gaareen Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyagoo halkaasina kulan kula qaatay Guddomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Deelle oo sida la sheegay ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan sidii ay labada gobol xiriir wada shaqeyneyd u yeelan lahaayeen.

 

Yuusuf Daba-geed ayaa sheegay in uu maalinta berri ah tegayo Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu ka bilaabi doono howlaha maamulkiisa, isagoo shir jaraa’id oo uu dhawaan ku qabtay magaalada Muqdisho-na ku sheegay in uu wax ka qaban doono arrimaha ammaanka iyo dhaqaalaha Gobolka Hiiraan oo muddooyinkan dambe laga deyrinayay.

 

Laakin waxaa Gobolka Hiiraan ku sugan Xuseen Muxumed Maalin (Xuseen Ayax) oo isna shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Beledweyne ku sheegay in uu isagu yahay Guddoomiyaha saxda ah ee Gobolka Hiiraan, isla markaana uusan aqoonsaneyn magacaabista uu sheegay Yuusuf Dabageed.

 

Yuusuf Axmed Xagar (Yuusuf Daba-geed) ayaa horay Guddoomiye uga ahaa Gobolka Hiiraan, hayeeshee waxaa gacan ku heynta Gobolka kala wareegay Maxkamadihii Islaamka, iyadoo markii uu dib ugu soo noqday Gobolkana ay Dowladda Federaalka  Guddoomiyaha Gobolkaas u magacawday Xuseen Muxumed Maalin, kaasi oo uu si Dimoqraadi ah xilka ugu wareejiyay.

 

Lama oga haatan in uu Xuseen Muxumed Maalin markiisa si Dimoqraadi xilka ugu wareejin doono Yuusuf Daba-geed, waaba haddii sheegashadiisa ku saasban in Guddoomiyenimada Gobolka Hiiraan dib loogu soo magacabay ay dhab tahaye.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Maamulka haatan ka taliya Gobolka Hiiraan ee uu madaxda ka yahay Xuseen Muxumed Maalin (Xuseen Ayax) ayaa waxaa in muddo ah lagu eedeynayay in uusan waxba ka qaban muranno ka dhashay lacag canshuur ah oo Dadka Gobolka laga qaado oo la sheegay in ay dad gaar ah oo mas’uuliyiinta Gobolka ka tirsan ay isaga tasarufaan, taasi oo keentay in Ciidamada Gobolka oo daryeel la’aan ka cabanayay ay gadoodaan kadibna ay xoog kula  wareegaan xarumihii uu ku howlgelayay Maamulka, inkastoo xiisaddaas markii dambe la xaliyay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).