Arbaco,
Wafdigan oo uu hoggaaminayay u qeybsanaha Qaramada Midoobay ee gargaarka Bani’aadannimada Mr. Erich Laroche ayaa markii uu Muqdisho ka degay kadib wuxuu kormeer ku tegay deegaano ay u barakaceen Dadkii ka qaxay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo haatan ku sugan Deegaanada Ceelasha Biyaha, Xaawo Cabdi iyo Kuliyaddii Beeraha Afgooye.
Socdaalka wafdigan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo maalintii shalay ahayd uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) uu maalintii shalay ahayd eedeyn u jeediyay Hay’adaha Samafalka ee UN-ka, kuwaasi oo uu sheegay in aysan waxba u qaban dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay qaab bah-dil ah ula dhaqmaan.
Maxamed Dheere wuxuu sheegay in Dadka Soomaaliyeed ay noolaan doonaan, goor ay ahaatana lala xisaabtami doono Hay’adaha UN-ka, “Dadka Soomaaliyeed waa ku jiraan kuwo wax qora iyo kuwo wax aqriya, adduunka ayaana u gudbin doonnaa bah-dilka ay Hay’adaha UN-ka ku hayaan Dadka Soomaaliyeed”ayuu yiir Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Eric Laroche oo wax laga weydiiyay sida ay u arkayaan eedeynta uu Maxamed Dheere u soo jeediyay Hay’adaha UN-ka ayaa wuxuu sheegay in uu howlo badan lahaa shalay, isla markaana uusan dhegeysan hadalka Duqa Magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in uu jawaab bixin karo marka uu maqlo waxa uu Maxamed Dheere ku eedeynayo.
Dhanka kalena, Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxay raashin mucaawino guddoonsiiyeen Maaamulka Gobolka Banaadir, iyadoo raashinkaasina uu ahaa kii ugu horeeyay oo ay Ciidamada AMISOM ku deeqaan.
Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali ayaa sheegay in raashinkaas la siin doono Haweenka Nadaafadda ka wada Magaalada Muqdisho oo tan iyo markii ay howsha bilaabeen aan wax la siinin, wuxuuna intaas ku daray Afhayeenka in mas’uuliyiinta Ciidamada AMISOM ay u sheegeen in ay la shaqeynayaan maamulka Gobolka Banaadir.
Ciidamada AMISOM oo Muqdisho yimid Bishii Maarso ee sanadkan ayaa waxay horay u sameeyeen howlo gurmad bani’aadannimo ah, iyagoo biyo u dhaamin jiray Dadkii ka barakacay Dagaalladii Muqdisho ka dhacay, sidoo kalena daweeyay dad kale oo dagaalladaas ku dhaawacmay, waxaana tallaabadoodaas bani’aadannimo si weyn u soo dhaweeyay Dadka Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






