12 C
London
Monday, November 10, 2025

MADAXWEYNE YUUSUF: “Hoobiye iska daaye, Qumbulatu-Duriya haddii ay soo ridaan dhegeysan meyno, dhegna u dhigi meyno, shirka waa la qabanayaa”

- Advertisement -spot_imgspot_img


Khamiis, July 12, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho ayaa si cad u sheegay in shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed la qabanayo xitaa haddii Hub Nukliyeer ah la soo rido, “Hoobiye iska daaye, Qumbulatu-Duriya haddii ay soo ridaan dhegeysan meyno, dhegna u dhigi meyno, shirka waa la qabanayaa”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo wax laga weydiiyay sida Shir Dib u heshiisiineed Muqdisho loogu qaban karo iyadoo Madaafiic Hoobiyayaal ah lagu weerarayo Xarunta Villa Somalia iyo Halka Shirka lagu qabanayo.

 

Halkan ka dhegeyso

Hadalka Madaxweynaha

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ay magaalada Muqdisho uga sifeyn lahayn kooxaha ka dambeeya falalka nabadgelyo darrada ah, “Dowladda horay ayay u qabatay dad ka mid ah kooxahaas, haatanna wey ku daba jirtaa kuwa haray”ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo intaas ku daray in sidoo kale ay Dowladdiisa hubka ka uruurineyso Soomaaliya oo dhan.

 

Waxaa uu ka hadlay madaxweynaha cafiskii uu u fidiyay Xubnihii ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka iyo kuwii Dowladda la dagaalamay wuxuuna  sheegay in uu weli sidiisii u taagan yahay cafiskaas, isla markaana laga faa’iideysan karo.

 

“Haddii ay nabadda qaataan oo ay dadkooda Soomaaliyeed oo walaalahooda ay ka mid noqonayaan oo Nabad, Xasilooni, Midnimo iyo Qarannimo ayay Soomaaliya u baahan tahaye ay mas’uuliyaddaas Dowladda iyo Umadda Soomaaliyeed la qaadayaan waa la saamaxay ayaan ku qornay Dikreetada aan soo saarnay” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in xubnihii ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka ee dalka isaga baxay ay dib ugu soo laaban karaan, marka laga reebo kuwo uu sheegay in ay caalamka argagixiso u aqoonsan yihiin, isagoo xaqiijiyay in aan wax dhibaato ah loo geysan doonin.

 

Maxaabiis tiradooda kor u dhaafeyso 60 ruux ayaa dhawaan laga sii daayay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho kadib markii uu madaxweynaha soo saaray cafiska loo fidiyay maxaabiis oo isugu jiray kuwo ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka iyo kuwo ka soo horjeeday Dowladda Federaalka.

 

Shirkaas Jaraa’id ee uu Xarunta Villa Somalia ku qabtay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa kale oo ka hadlay Guddoomiyihii Golaha Midnimada iyo Dhaqanka Beelaha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan oo isagu shir la qaatay madaxweynaha. Xaaji Cabdi Iimaan waxaa uu ugu baaqay Dadka Soomaaliyeed in ay Dowladda la shaqeeyaan, isagoo dhinaca kalena carrabka ku dhuftay in aysan shacabka wax dhibaato ah uga imaan doonin dhinaca Dowladda Federaalka waa sida buu yiri uu naga ballanqaaday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu ka hadlay goorta ay Ciidamada Shisheeye Dalka ka baxayaan, wuxuuna caddeeyay in ay Ciidamadaas joogayaan tan iyo inta laga nabadeynayo Dalka Soomaaliya, gaar ahaana Magaalada Muqdisho, dadkuna ay Dowladda si buuxda ula shaqeynayaan.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Jaraa’id ee uu maanta qabtay madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xalay magaalada Muqdisho ay ka dhaceen Madaafiic Hoobiyayaal ah oo qaarkood lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada ee uu Madaxweynaha degan yahay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).